Farmaajo oo khadka Telefoonka wada-hadal kula yeeshay Amiirka Qatar

Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta wadahadal dhinaca qadka teleefoonka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim ayaa isugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciida barakeysan ee Ciidul Adxa oo maanta Maalintii laabad loo dabaal-dagayo.

Sidoo kale Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa isweydaarsiga halmbalyada Ciida kadib, ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyagoonka u rajeeyay labada dal iyo dhammaan muslimiinta horumar iyo barwaaqo.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladdaha taageerada weyn siiya Soomaaliya, waxaana la sheegaa in ay saaxiibo gaar ah la tahay Madaxda dowladda oo uu horkacayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor