Farmaajo oo ka hadlay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku ayaa tilmaamay in uu muddo dheer u soo adeegay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo kaalin mug leh ka soo qaatay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil waa mid murugo badan. Marxuumku wuxuu u soo adeegayey Qarannimada Soomaaliyeed muddo dheer, waxa uuna qeyb ka ahaa qorshihii aasaaskii Ciidanka Asluubta”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelka, shacabka iyo dowadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor