Farmaajo oo ka digay in wax laga bedelo Heshiiskii Doorashada ee 17-September

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey 78 guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay doorashada dalka ee uu ka jiro is jiid-jiid badan.

Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in muranka ka jiro doorashada dadban looga gudbi karo oo kaliya in la is qanciyo oo la wadashaqeeyo, xili uu xusay inuu jeclaan lahaa in shacabka ay wax doortaan, balse taasi aysan dhicin oo uu dalku aaday doorasho dadban.

Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ay doorashada ka qabteen shaqo wanaagsan, isagoo qiray inay iska jiraan duruufo dhaqaale iyo kuwo kale oo ku hor gudan doorashada dalka.

Farmaajo ayaa tilmaamay in heshiiskii 17-September ee doorashada uu yahay mid sharci ah, isla markaana uu saxiixay isaga, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in aan waxa laga bedelin heshiiskaas, isla markaana si wixii la isku qabtay lagu saxo si wadashaqeyn ah.

“Waxaan rajeynayaan in aan waxba laga bedelin heshiiskii 17-September oo sidiisa loogu socdo, waxyaabihii yaryarka ahaana ee la isku qabtay, si xilkasnimo iyo wadashaqeyn ah in looga wadahadlo, aas-aaska uu ku dhisan yahay heshiiska waa mid aad looga fikiray, waana in la iska ilaalo in wax laga bedelo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo boggaadiyey Ciidanka Booliska.

Ugu dambeyn Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in dardar-geliyo doorashada Golaha Shacabka, isla markaana doorashada aan laga leexan, ayna noqoto mid hufan oo si cadaalada ah ku dhacda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor