Akhriso:-Farmaajo oo diray Codsi taageero dhaqaale oo Deg-deg ah

Ilo-wareed ka tirsan Xoghaynta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxay xaqiijiyeen in Madaxweyne Farmaajo uu mar kale dhambaal u soo diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd oo uu kaga codsaday taageero dhaqaale oo deg deg ee xilligan xasaasiga u ah Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Maxamed C/risaaq Maxamuud Abuukar oo maalmahan booqasho hawleed ku jooga Qaahira waxa uu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta shalay u gudbiyey farriin salaan ah oo uu uga waday Madaxweyne Farmaajo.

Dhambaalkaasi ayaa waxa lagu xusay inay DFS ka mahad-celinayso Tagaeerada ay Dowladaha  xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta u fidiyaan DFS, Hay’adaha hoos-taga iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Farriinta Madaxweyne Farmaajo u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta waxa uu ku booriyey in la sii kordhiyo taageeradda Carabta siiyaan Somalia, gaar ahaan Xilligan xasaasiga ee dadaalka Kal-guurka.

Si kastaba ha ahaatee, dhambaalkaasi waa kii labaad ee uu Madaxweyne Farmaajo u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta Toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo Farriintii 1-aad uu Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada XFS, Xasan Macallim Khaliif uu u gudbiyey Abu Kheyd bishan March 10-dii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor