Farmaajo oo Ciidamo hubeysan dul dhigay Xafiiska RW Rooble

Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa Saaka Ciidamo farabadan oo hubeysan waxaa uu dulgeeyay Xafiiska Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya arrinta ku aaddan Ciidanka la dul dhigay xafiiska Rooble, waxaana tallabadaasi war kasoo saaray xubno ka mid ah Xukuumadda, kuwaasi oo siyaabo kala duwan kaga hadlay.

Wasiir ku-xigeenka Warfaahinta Xukuumadda Fderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala ayaa ka mid ah dadka ka hadlay Ciidamada la sheegay in la dul dhigay Xafiiska Rooble, kaasi oo ilaa iyo hadda aysan ka socon wax shaqo ah, sida wararku sheegayaan.

Wasiirk ku Xigeenka ayaa ku tilmaamay tallaabada uu qaaday farmaajo in ay tahay Afgambi dadban, waxaana intaa ku daray in Ra’iisul Wasaare Rooble uu gudanayo shaqo dastuuri ah.

Ciidanka la geeyay goobta ayuu sheegay in tahay Mid sharci darro ah ah.

Hadalka kasoo baxay Wasiir ku-xigeenka Warfaahinta Xukuumadda Fderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala ayaa kusoo aadaya iyadoo Saaka Ciidamo farabadan oo ka amar qaata Madaxtooyada Soomaaliya ay joojiyeen shaqooyinkii ka socday Xafiiska Rooble, waxaana wararku intaas ku darayaan in la kala diray shaqaalihii ku sugnaa, iyadoo lagu war galiyay in ay guryahooda isaga laabtaan.

Waxaana wali cirka isku sii shareeraya khilaafka labada mas’uul ee dalka ugu sarreysa, iyadoo Farmaajo uu shaqo joojin iyo hakinta awoodaha uu ku sameeyay Rooble,taasi oo ilaa hadda isha laguw adahayo sida ay ku dhaqan gali doonto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor