Farmaajo oo amray in aan la bixin karin lacagtii Imaaraadka lagala wareegay sanadkii 2018

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa soo saaray amar ku socda Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto uu soo saaray Farmaajo ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Bangiga ku faray in aan sifo sharci darro ah looga saari karin Khasnadda dowladda lacagta ku jirta ee sanadkii lagu 2018 lagu qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Lacagtaas ayuu Farmaajo ku sheegay inay mid si sharci darro ah loo soo geliyay dalka, isla markaama Hay’addaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ku qabteen Garoonka Aadan Cadde 8-dii Bisha Abriil ee 2018-kii.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku amray Guddomiyaha Bangiga Dhaxe in lacagta oo dhan 9.8 milyan aan la bixin karin, iyada oo aan la marin hannaan waafaqsan sharciga, ayna mamnuuc tahay in go’aan hal masuul gaaray lacagtaasi lagu bixiyo.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble Maanta shaaciyay in dib dowladda Imaaraadka Carabka loogu celinayo lacagtaas oo Bisha Abriil ee 2018-kii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee, isagoona raalli-gelin ka bixiyey dhacdadaas.

Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Maxamed Farmaajo

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor