Farmaajo iyo saddex M/Goboleed oo Warbixin ka dhageystay Guddigii Farsamada

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda  ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Qoorqoor, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi, Koonfur Galbeed Lafta-gareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa ku dhiirrigeliyey Xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka in ay si daah furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey.

Dhinaca kale Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maqnaa Shirka maalintii ee Madaxda oo ka dhacay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor