Farmaajo iyo Rooble oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo uu ka dhexeeyo khilaaf xoogan ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada.

Kulankii dhexmaray Farmaajo iyo Rooble ayaa waxaa uu ahaa mid hordhac oo sallaan iyo is xog-wareysi ah, waxaana kulankaas uu ku yimid dadaalo kala duwan oo uu waday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in kulanka xalay intiisa badan uu ahaa mid la isku laab furay, kana muuqatay is faham iyo isu soo dhowaansho labada dhinac, ayna rajo ka qabaan in habeen dambe inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in kulanka lagu soo hadal qaaday sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka xoogan ee Madaxda, isla markaana waxaa lagu balamay in habeen dambe kulan kale la isugu yimaado, si loo dhammeystiro waxyaabaha haray ee labada dhinac u dhaxeeyay.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka dhexeeya khilaaf xoogan oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo hoggaanka NISA, waxaana khilaafka uu xoogeystay markii Farmaajo awoodaha ka dhimay RW Rooble.

Si kastaba dadaalo kala duwan oo lagu doonayay in xal buuxa looga gaaro khilaafka labada dhinac ayaa fashilmay, waxaana inta badan dadaalada waday Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Maxamed Mursal, kuwaasi oo maalmo socday, balse ugu dambeyn fashilmay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor