Farmaajo iyo M/Goboleedyada taageersan oo maalintii 2-aad Shir u socda

Waxaa maalintii labaad shir uga socdaan Teendhada Afiysooni ee Muqdisho Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, qaar kamid ah maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo ah mid hordhac ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo sidii uu u furmi lahaa Shirka guud ee Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada oo ay soo qaban-qaabinsay Beesha Caalamka.

Shirkaan oo uu shir guddoominayo Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galaya Rooble, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan duqa Muqdisho.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa maalintii labaad ka maqan shirka Madaxda uga socda Teendhada Afiysooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaraha Aadan Cadde.

Shirkan hordhaca ah ee dhinacyada isku aragtida ah u socda ayaa waxaa ku soo biiraya Guddiga Farsamada ee Wasiirada ahaa ee ka qeyb galay shirkii Baydhabo, kuwaasoo iyana ay ka maqan yihiin Xubnihii matalayay Jubbaland iyo Puntland.

Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo ku saabsan sidii shirka u noqon lahaa mid dhameystiran oo loo dhan yahay, dhinacyada ka maqan ay ugu soo biiri lahaayeen, kuwaasi oo ah Madaxweyne Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor