Farmaajo “Ciidanka Xoogga waxay u taagan yihiin dib u soo noolaynta Dowladnimada”

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaaj oo kulan la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhiirri-geliyey difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo la-dagaalanka Alshabaab ay taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo adag.

“Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo ilaalinta karaamada dadka Soomaaliyeed, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Carafo iyo waajibka qaran ee aad gudaneysaan. Farxad gaar ah ayay ii tahay in aan munaasabadaha noocan oo kale ah idin la qaato madaama aad tihiin geesiyaasha aan ku faanno.” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey hawlgallada socda ee ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana uu sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay guulo waaweyn ka gaareen howgallada ay ka wadaan deegaannada Gobolada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor