Faransiiska oo Eedeyn culus u jeedisay Dowladdaha Mareykanka & Australia

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ku eedeeyay Australia iyo Mareykanka inay ka been sheegeen heshiis cusub oo dhanka amniga ah oo sababay in Paris ay u yeerto safiirradeeda.

Wareysi uu siiyay telefishinka France 2, Jean-Yves Le Drian ayaa sidoo kale ku eedeeyay waddamada “khiyaano iyo in ay jabiyeen kalsoonida dhextaalay”.

Heshiiska, oo loo yaqaan Aukus, wuxuu Australia u ogolaanayaa inay hesho farsamadii ay ku dhisi lahayd maraakiibta quusta ee quwada nukliyeerka. Tallaabadan ayaa carqaladeysay heshiis balaayiin dollar ku kacaya oo Faransiisku la galay Australia.

Heshiiska, oo sidoo kale ay ku jirto UK, ayaa si weyn loogu arkaa inuu yahay dadaal looga hortagayo saameynta Shiinaha ee Badda Koonfurta Shiinaha ee lagu muransan yahay.

Faransiiska ayaa lagu wargeliyay saacado uun ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska horraantii toddobaadkan. Isagoo hadlaya Sabtidii, Mr Le Drian wuxuu sheegay in “xiisad daran” ay ka dhex jirto xulafada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor