Faransiiska oo Ciidankii ugu badnaa waddooyinka ku daadiyay

Faransiiska ayaa waxa uu isku dubaridayaa 100,000 oo boolis ah si ay u kala kaxeeyaan dadka isugu soo baxaya xafladaha lagu soo dhaweynayo sanadka cusub ayna u dhaqangaliyaan bandowga dalkaas lagu soo rogay si loo xakameeyo fayraska korona.

Ciidammada dheeraadka ah ayaa sidoo kale looga gol-leeyahay in lagu hor istaago in gawaari dab la qabadsiiyo arrintaas oo badanaa la sameeyo habeenka ugu dambeeya ee sanadka.

Faransiiska ayaa waxa uu xaqiijiyay in 2.6 milyan oo xaaladood oo fayraska korona ah, tiradaas oo ah tan shanaad ee ugu badan caalamka, halka dhimashaduna ay ka badan tahay 64,000 oo qof.

Sida dalalka kale ee Yurub, Faransiiska ayaanan looga dabaaldegin dhalashada sanadka cusub xilli uu jiro cudurka safmarka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media