Faah faahino:- Shil ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka Bari

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa shil khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay meel u dhaw degmada Carmo ee ee Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan shilkaasi.

Shilka ayaa ka dambeeyay sida la sheegay kadib markii ay isku dheceen labo gaari oo nooca Raaxada ah, waxaana uu shilku si gaar ah uga dhacay duleedka Carmo, waxaana jira gurmad la gaarsiiyay dadkii ku waxyeeloobay Shilkaasi.

Inta la xajiiyay hal qof ayaa ku dhintay, waxaana  dhaawacmay in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan hooyo iyo 5 carruur ah oo ay dhashay, waxaana dhaawacyadii loo la cararay Cusbitaal ku yaalla Degmada carmo ee Gobolka Bari, wararka qaarna waxaa ay ku warramayaan in dhaawacyadii halista ahaa loola cararay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland.

Dhaqatiirta ku sugan degmada Shilku ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in ay gar-gaar deg deg ah gaarsiiyeen dadka ku wax yeeloobay shilka.

Inta badan shilalka ka dhaca Gobolada dalka ayaa lo sababeyaa bur-bur xooggan oo gaaray waddooyinka, waxaana sidoo kale lagu eedeeyaa Wadayaasha gaadiidka in ay yihiin kuwo aysan u dhammay tirnayn Xirfadda wadidda gaadiidka kala duwan, iyadoo ay inta badan ay ku kexeeyaan xawaaro aad u sarreeya, waddooyinkuna ay yihiin kuwo aad u bur-bursan oo aysan macquul ahayn in gaadiidaka xawaare sare lagu wado.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media