Faah faahino:- Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Faah fahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana la helayaa warar dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Bom gacmeed lagu tuuray Ciidanka Puntland oo howlgalo ka waday dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana qaraxa ka dib ay ciidanku fureen Rasaas si weyn looga maqlay Xaafadaha ku teeedsan uu halka falku ka dhacay.

Qaraxa ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegay in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay weerarkaasi Bomka ah, waxaana wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan Ciidankii howlgalka waday.

Wali ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxaasi, basle dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gaysta inta badan falalka noocaas ah, iyagoo horay u weeraray Magaalooyin ka tirsan Maamulka Puntland oo ay ka mid yihiin Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media