Faah faahino:- Qarax ka dhacay Gobolka Gedo

Wararka aan ka helayno Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku warramaya in Xalay Degmadaas uu ka dhacay Qarax khasaaro dhaliyay oo jugtiisa laga Maqlay Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Baardheere ee Gobolkaasi Gedo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya howlagllo ka waday gudaha degmada lagu tuuray Bom-gacmeed, waxaana la sheegay in dableydii Bomka tuuray ay goobta isaga baxsadeen.

Ma jiro wax Khasaaro rasmi ah oo lasoo wariyay, balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay macquul tahay in Qaarxaasi uu ka dhashay Khasaaro.

Qaraxa kadib Ciidanka ayaa howlgallo kale o oculus ka sameeyay Degmada, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in tan iyo xalay ay Ciidanku wadeen Baaritaanno ammaanka lagu xaqiijinayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media