Faah faahino:- Guddoomiye lagu dilay Magaalada Baladweyne

Wararka aan ka helayno Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in dil uu ka dhacay Magaaladaasi, waxaana si gaar ah uu dilku uga dhacay Xaafadda Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne.

Goobjoogayaal Idaacadda Dalsan u Xaqiijiyay in Salaadda Maqrib ka dib Xaafadda Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii Xaafadda Buundo-weyn, waxaana la sheegayaa in dabley hubaysan ay dilka Fuliyeen.

Dilka kadib Ciidanka Ammaanka ayaa gaaray halka falku ka dhacay waxaana ay sameeyeen holwlhalo ay ku baadi goobayaan dableydii dilka fulisay, inkastoo aan la sheegin dad loo soo qab-qabtay falkaasi dilka ee loo gaystay Guddoomiye ku xigeenkii Xaafadda Buundo-weyn ee Magaalada Balad-weyne.

Magaalada Baladweyen ayaa horay waxaa dilal qorsheysan loogu gaystay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka, waxaana Inta badan dilalka ka dhaca Magaaladaasi Baladweyene ka dambeeya Dagaalamayaasha Al-shabaab, inkastoo aysan Sheegan dilka Caawa ka dhacay Baladweyne.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media