Faah faahino:- Bom-gacmeed lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Bam-gacmeed caawa lagu weeray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Saldhig ay ku leeyihiin degmada Warta-nabadda ee Maagaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa lagu qaaday Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Laanta barwaaqo ee Degmada Warta nabadda.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidanka Bomka lagu tuuray ay Rasaas fureen, mana jiro khassaro lasoo wariyay oo ka dhashay bomka la tuuray iyo rasaasta ay Fureen Ciidanka Booliska ah ee Bom-gacmeedka lagu weeraray.

Inta badan Qaraxyada iyo Bom-gacmeedyada noocan ah ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana khasaro uu kasoo gaaraa Ciidanka dowladda iyo dadka Shacabka ah ee ka agdhaw.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media