Faah faahino:- Dil ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Magaalada Baarsdheere ee Gobolka Gedo ayaa ku warramaya in Askari la sheegay in  uu horay uga tirsanaa jiray Ciidanka Dowladda, waxaana kasoo baxaya warar jkaal duwan oo ku aaddan dilkaasi Askariga loo gaystay.

Waxaa lasoo sheegayaa in Koox hubeysan ayaa xalay ku dileen degmada Baardheere ee Gobolkaasi Gedo, waxaana Goobta isaga baxsaday kooxdii falka dilka ah gaysatay sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal ku sugan halka uu falku ka dhacay.

Ciidanka ammaanka ayaa goobta soo gaaray waxaana ay sameeyeen howlgallo lagu baadi goobayo dableeydii dilka fuliyay, inkastoo ilaa iyo hadda aan la sheeacin dad loo soo qabtay dilka loo gaystay Askariga la sheegay in uu horay uga tirsanaa jiray Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Dhowr habeen ka hor ayay ahayd markii masuul ka tirsan Maamulka degmada lagu dhawacay halkaasi, iyadoo ay soo badanaya falalka amaanka Lidka ku ah eek a dhacaya degaanada jubbaland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media