Faah faahinno:-Koox hubeysan oo dad shacab ah ku dishay Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah lagu rasaaseeyay halkaasi, waxaana soo baxaya faah faahinno dheerad ah oo ku aaddan dhacdadaasi.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Gaariga oo marayay aagga Balanballe kuna sii jeeday dhankaas iyo Tuulo dhaw magaaladda Guriceel ay koox hubeysan waddada u galeen, kadibna ay halkaasi gaariga rasaas ku fureen, waxaana lasoo sheegayaa in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray dadkii shacabka ahaa.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan ay labo ruux ku dhinteen rasaastaasi gaariga lagu furay, waxaana sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Rakaab kale oo saarnaa gaariga.

Wali faah faahiino intaa ka dheeri ah lagama hayo dadkaasi lagu dilay Gobolka galgaduud, sidoo kale wali laamaha amniga wax war ah kama soo sarin, mana jirto cid ka hadashay ilaa iyo hadda, balse inta badan gobolkaasi waxaa ka dhaca dilal la xariira aanooyin qabiil, inkastoo ilaa iyo hadda aan la caddeyn sababta rasmiga ah ee Gaarigaasi loo Rasaaseeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor