Faah faahin:- Xildhibaan hore oo Qarax lagula  beegsaday Muqdisho

Faaf faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaaro dhimasho iyo dhawac leh dhaliyay oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan ee Waqooyiga Mugdisho, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan qaraxaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in maanta la qarxiyay Gaari uu la socday Xildhibaan hore Muxidiin Xasan Afrax, waxaana lala beegsaday Qarax miino sida ay sheegayaan wararka aan helayno.

Qaraxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay Xaafadaha Degmada Kaaraan  iyo  degmooyinka kale ee ka agdhaw, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in ay arkayeen uuro Modoow oo cirka isku shareertay, taasi oo muujinaysay Awoodda Qaraxa lala eegtay gaariga mas’uulka.

Inta la xaqiijyay hal Askari ayaa ku  hintay oo ka mid ahaa ilaalada Mas’uulka  Gaarigiisa la qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay mid kale, sida ay ku warramayaan wararkii ugu dambeeyay ee aan helayno.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media