Faah faahin:- Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil  xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaan oo loo gaystay wiil dhalinyaro ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu helayno ayaa sheegaya in xalay degmada Karaan ee Gobolkani Banaadir dil loogu gaystay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mid aha dadka degaanka.

Dilka ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan oo sida la sheegay gudaha u galay Guriga uu ku sugnaa Wiilka la dilay, waxaana dilku uu sigaar ah uga dhacay xaafadda Jamhuuriya ee  degmada Kaaraan ee Gobolkani Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Yalaxow, waxaana uu ka mid ahaa dadka degaankaasi, sida ay inoo sheegeen dadka degaanku.

Dableydii dilka fulisay ayaaa goobta isaga baxsaday sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah, waxaana halka falku ka dhacay gaaray Ciidanka Dowladda, kuwaasi oo sameeyay howgallo ballaaran oo ay ku baadi goobayaan dableydii dilka gaysatay.

Maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho waxaa ka dahcayay dilala qorsheysan oo loogaystay Oday dhaqameedyo iyo nabaddoonoo, kuwaasi oo siyaabo kala dwuan loogu dilay Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.