Faah faahin: Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

Faah faahino dheeraad ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana weerarkaas lagu qaaday Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo ku sugnaa halkaas.

Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lagu tuuray maqaayad ay fadhiyeen dhowr Askari oo kamid ah Booliska Somaliland ee Laascaanood,  sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dad shacab ah goobta ka agdhawaa.

Inta la xaqiijiyey hal Askari oo Boolis ah ayaa ku dhintay weerarka, halka tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo durbadii loo qaaday Isbitaal, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, kooxihii ka dambeeyay weerarka ayaa baxsaday.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa horey uga dhacay falal amni darro oo isugu jiray dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin iyo Askar ka tirsan Ciidanka Somaliland, sidoo kalena waxaa halkaas ka dhacay weeraro khasaaro dhaliyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor