Faah faahin:-Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle, kaasi oo lagu qaaday Bar koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidanka amniga Maamulka.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen koontaroolka Buula Sheekh ee Magaalada Jowhar, waxaana goobta ka baxsaday markii dambe ragii ka dambeeyay  falkaas dhacay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerarkii ka dhacay Caasimadda Hirshabeelle uu ku dhintay Taliye ku-xigeenka Ciidanka dowladda ee Buula Sheekh.

Sidoo kale Shabaabka ayaa intaas kusii daray inay jiraan dhaawacyo weerarka kasoo gaaray Ciidamo ku sugnaa Barta koontarool ee la weeraray, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle oo ku aadan weerarkaas.

Si kastaba Al-shabaab ayaa horey sidaan oo kale weeraro kala duwan oo geystay khasaaro ku qaaday Saldhigyo iyo fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor