Faah faahin:-Weerar khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Jubbada Hoose

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay uu weerar ka dhacay halkaas.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday bar Koontarool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland ku leeyihiin halka lagu magacaabo buundada Dariiq ee duleedka Kisamayo, waxaana halkaas ka dhacay iska horimaad kooban oo dhinacyada dhexmaray.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose, iyagoona tilmaamay inay halkaas ku dileen laba Askari, waa sida halka loo dhigay.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin weerarkii ka dhacay buundada Dariiq ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Maamulkaas.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer sidaan oo kale weeraro kala duwan oo geystay khasaaro ku qaaday Saldhigyo iyo farriisimo Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor