Faah faahin:-Weerar khasaaro dhaliyey oo ka dhacay degaan ka tirsan Sh/Hoose

Wararka aan ka heleyno deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku warramaya in xalay weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro uu ka dhacay gudaha deegaankaas.

Weerarka oo la sheegay inay fuliyeen rag hubeysan ayaa lagu qaaday fariisimo Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degaanka Janaale, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday saddex ruux, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen oo wararka qaarkood ay tilmaamayaan inay ahaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda ee ku sugnaa goobta la weeraray.

Intaas kadib Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sameeyay howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarkii khasaaraha dhaliyey ee xalay halkaas ka dhacay.

Deegaanka Janaale ayaa waxaa marar kala duwan horey uga dhacay weeraro iyo dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoona weerarada qaarkood ay geysteen khasaaro kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor