Faah faahin:- Toogasho ka dhacday Magaalada Muqdisho

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Toogasho goordhweyd ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodan ee Gobolkani Banaadir.

Wararku waxa ay sheegayaan in la toogtay laba ruux oo la sheegay in ay dadka shacabka ah ka dhacayeen Taleefanada gacanta, waxaana lagu toogtay Xaafadda Al-baraka ee degmada Hodan sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan halka falku ka dhacay.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in mid ka mid ah labada ruux ee dhaca waday uu geeriyooday, halka kii kalena uu dhaawac culus soo gaaray, waxaana goobta ka qaaday Ciidan Boolis ah sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Inta badan degmooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca falalka dhaca ah oo ay gaystaan dabley hubeysan oo inta badan bulshada dhibaato u gaysta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media