Faah faahin:-Shil Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo barqadii Maanta ka dhacay Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in shilkaas uu ka dambeeyay, kadib gaari nooca Soomaalida u taqaano Carro-gediska ama sha-shantada uu ku fariis goostay goobo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Sanca, waxaana goobahaas gaaray burbur xoogan.

Waxaa kaloo dadka nala hadlay ay inoo sheegeen in shilka ay ku geeriyoodeen laba ruux oo shacab ah oo goobta ku sugnaa, halka laba kalena uu dhaawac Culus soo gaaray, kuwaasi oo loo qaaday Xarun Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogey goobta ayaa tegay halkaas, iyagoo aaga xiray inta uu socday gurmadka loo sameeynayay dadkii waxyeelada kasoo gaartay shilkaas.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geystay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana ugu dambeeyay shilkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media