Faah faahin:-Shil khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Somaliland

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas barqanimadii Maanta uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro dhaawac ah.

Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay ku warrameen in shilkaas uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Xarunta Ciidanka Taraafikada Somaliland ee Hargeysa, kaasi oo ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari Booyad ah iyo mid kale oo xoog u socday.

Laba ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay dhaawacyo kasoo gaareen shilkaas gaari, xili ay marayeen wadada, isla markaana waxaa si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad oo la dhigay.

Sawirro laga soo qaaday laba baabuur ee isku dhacay ayaa muujinayay in qeyb kamid ah gaariga weyn uu ka burburay miraayadaha, waxaana halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Taraafikada Somaliland oo baaritaano la xiriira shilkaas sameeyay.

Si kastaba deegaano dhowr ah oo ka tirsan Somaliland ayaa waxaa horey uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, iyadoona inta badan shilalkaas loo sababeeyay darawalada oo gaadiidka ku wada xawaare sare.