Faah faahin:-Shil dhaliyey khasaaro oo xalay ka dhacay Somaliland

Wararka aan ka heleyno deegaan ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegaya in fiidnimadii hore ee xalay halkaas uu ka dhacay shil gaari.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in shilka uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca raaxada ah iyo gaari kale oo weyn, xili  ay socdaalayeen deegaanka Abdaal oo ku yaalla inta u dhexeeysa Berbera iyo Hargeysa.

Hal qof oo dumar ayaa ku geeriyootay shilkaas oo waday gaarigii raaxada ahaa, halka saddex kalena oo la socday ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen shilka, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujinayay in gaariga yar uu gebi ahaan burburay, isla markaana waxaa halkaas tegay dad shacab ah oo gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeelada soo gaartay.

Dhowr ah oo horey ayaa deegaano ka tirsan Somaliland waxaa uga ka dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac ah, kuwaasi oo intooda badan loo sababeeyay Darawalada oo si xawaare sare ah u wada gaadiidka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media