Faah faahin:-Qarax lala eegtay Ciidamo oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Fagax, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xili ay socdaal ku marayeen halka loo yaqaano Masaajidka Turkiga ee ku yaalla meel ku dhow Isgoyska Fagax ee Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa kadib Ciidanka AMSIOM iyo kuwa ka tirsan dowladda Federaalka ay fureen xoogan oo laga ridayay qoriga loo yaqaano dhashiikaha iyo dabajeexa.

Warar hordhac ah oo laga helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro kala duwan, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay baaritaano ka wada Ciidanka dowladda Federaalka.

Qaraxaas ka dhacay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka Dugsida tababarka Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar-Jajab, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media