Faah faahin:-Qarax khasaaro geystay oo Mas’uuliyiin lagula beegsaday Gedo

Wararka aan ka heleyno degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in gabaldhicii galabta uu ka dhacay halkaas qarax xoogan oo khasaaro dhaliyey.

Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday Mooto bajaaj la dhigay wadada dhinaceeda, isla markaana waxaa lala beegsaday Gaari uu la socday Maareyaha Garoonka diyaaradaha Baardheere Jaamac Cali Hire, xili uu marayay wadada Jiirada Xaruntii hore ee Nation.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in jugta qaraxa ay aheyd mid xoogan oo laga maqlay inta badan xaafaddaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kadibna xigtay rasaas farabadan oo dhacday.

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Baardheere Jaamac Cali Hire ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay qaraxa iyo Mas’uuliyiin kale oo isla saarnaayeen gaari Saaruf ee qaraxa lala eegtay, waxaana dhaawacyada la geeyay Xarun Caafimaad.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha geystay ee galabta lala eegtay Maareeye Jaamac Cali Hire, waxaana gebi ahaan burburay gaariga uu qaraxu haleelay.

Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ee lala beegsado Mas’uiuliyiinta ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab, iyagoona horey u sheegtay qaraxyo khasaaro geystay oo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor