Faah faahin:-Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas daqiiqado kahor uu ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqalay inta badan Magaaladaas.

Qaraxaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo ee Galmudug, xili halkaas ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin kala duwan iyo xubno kale.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxaana inta badan ay waxyeelada soo gaartay Ciidamo ku sugnaa afaafka hore ee Xarunta la weeraray.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhaawac fudud uu soo gaaray Guddoomiyaha Gaallkacyo ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta ku jiray  Xarunta, uuna ka badbaaday qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxaas ka dhacay, isla markaana xiray gebi ahaan wadada, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadkii waxyeelada soo gaartay oo qaarkood la geeyay Xarun Caafimaad.

Xalaad cakiran ayaa ka jirta Xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo ee Galmudug, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha sare ee Maamulka Galmudug oo ku aadan qaraxaas khasaaraha geystay…

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media