Faah faahin:- Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo loo dhigay gaari ay saarnaaayeen dad shacab ah oo marayay waddo xariirisa Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Gaariga  oo ahaa nooca loo yaqaan Noah-da oo ka soo baxay Degmada Jalalaqsi, isla markaana ay saarnaayeen ilaa 7 ruux oo shacab ahaa aya miinada kula kacday meel qiyaastii 30 km u jirta Degmada Buula-burte, halkaasi oo uu ku dhintay wadihii gaariga, halka ay ku dhaawacmeen Afar ruux oo kale.

Isbitaalka Degmada Buula-burte ayaa la gaarsiiyay dhaawacyada ka dhashay qaraxa, waxaana laga soo dayriyaan Xaaladaha caafimaad ee dadkii shacabka ahaa ee ku waxyeeloobay Miinadaasi.

Shalay Degaanno hoos yimaada Degmada Buule Barde ee Gobolka Hiiraan, waxaa ka dhacay dagaal khasdaaro gaystay oo u dhexeeyay dagaalamaayasha Al-shabaab iyo Ciidanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Saraakiisha Ciidanka Dowladdu ay sheegeen in ay qabsadeen degaanno dhowr ah oo hoos yimaada degmadaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor