Faah faahin:-Qarax Khasaaro geystay oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax Goordhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo Jugta qaraxa Caawa laga maqlay Xaafado ka tirsan Gobolka.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay kasoo horjeedka Premier Bank ee ku yaalla Isgoyska Taleex, waxaana kasoo baxay warar kala duwan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in qaraxaas Miinada ah ay ku dhaawacmeen 4 qof shacab ah, kuwaasi oo goobta ka Agdhawaa, waxaana durbo loola cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa tegay halkaas, iyagoo xiray aaga, sidoo kalena ay wadaan baaritaano kala duwan ku aadan qaraxaas.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca qaraxyo loo adeegsado gaadiid iyo miino dhulka lagu aaso, waxaana qaraxyadaas inta badan ka dhasha Khasaarooyin kala duwan, iyadoona ay sheegtaan Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media