Faah faahin:-Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Shabeellaha dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay degaanka Qalimow ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida ay ku warramayaan wararka aynu halkaasi ka helayno.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaaa ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo ku taalla degaanka Qalimow, waxaana la sheegay in Qaraxaasi uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo goobta ku diyaarsanayd.

Wararka ayaa tibaaxaya in Qaraxaasi ay ku dhinteen seddex ruux, waxaana dhaawacyo kala duwan ay kasoo gareen in ka badan tobon ruux, kuwaaasi oo haatan xaaladdooda caafimaad lala tacaalyo.

Dad waxyeeladu soo gaartay ayaa isugu jira Askar iyo dad shacab ah, oo goobta ku sugnaa, markii qaraxu dhacayay, waxaana maqaayadda la qarxiyay ay ahayd mid inta badan ay imaan jireen Askarta Ciidanka Dowladda.

Wali maamulka degaanka iyo Saraakiisha amnigu kama hadlin Qaraxaasi, sidoo kale ma jirto faah faahin intaa ka dheeri ah oo laga helay Qaraxaasi miino ee khasaaraha kala duwan dhaliyay.

Horay degaanka waxaa uga dhacay weero kala duwan oo ay Al-Shabaab gaysteen.

Wixii kasoo kordha halkaan kala soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor