Faah faahin:-Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Ku meel gaar u ah Jubbaland ayaa ku warramaya in goordhaweyd uu halkaasi ka dhacay Qarax khasaaro gaystay.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Maqaaxi ku taalla Magaalada kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka u ah Maamul Goboleedka Jubaland, waxaana laga helayaa warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxaasi.

Maqaaxida uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah mid  lagu nasto, lona yaqaano Xeebta Cagaha Gali, taasi oo ay isugu yimaadaan dadyow kala duwan oo ku caweeya,xiliga habeenkii.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxaas ayaa isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray dadkii Shacabka ahaa ee ku sugnaa Goobta.

Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha waan idinla soo wadaagi doonaa.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor