Faah faahin: Qarax ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay Nin 19-sanno u xirnaa Talyaaniga

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Maanta ka dhacay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lagu dilay Xaashi Xasan Cumar , oo ahaa nin qurbo joog ahaa oo sannado badan ku noolaa dalka dibadiisa, dibna ugu soo laabtay Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa Marxuum Xaashi Xasan loogu xiray gaari uu watay, waxaana la qarxiyey xili uu marayey xaafad ka tirsan Dharkeenley, isagoona la sheegay in markii hore uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaas uu ugu geeriyooday Isbitaal.

Xaashi Cumar ayaa muddo 19-sanno ka badan u xirnaa dowladda Talyaaniga oo ku eedeesay in uu ku lug lahaa dil sannadkii 1994-tii Muqdisho loogu geestay gabar wariye ah oo u dhalatay Talyaaniga iyo sawir qaadaheedii.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa markii dambe dowladda Talyaaniga ku weesay dambigii ay u xirtay sannadaha badan, waxaana maxkamad kutaalla dalka Talyaaniga Xaashi Cumar u xukuntay in la siiyo lacag magdhaw ah.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dolwadda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee Maanta ka dhacay Muqdisho, isla markaana lagu dilay Xaashi Xasan Cumar , oo ahaa nin qurbo joog ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor