Faah faahin: Qarax ka dhacay gudaha Saldhiga Booliska Degmo ka tirsan Gedo

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog oo gabaldhicii galabta ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas uu ka dhex dhacay gudaha Saldhiga Baardheere, isla markaana waxaa la sheegay in lagu dhex qariyey bacmadow, kadibna la geliyay dhulka, sidaasina ku qarxay oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Magaalada.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baardheere ayaa sheegay in qaraxaas galabta dhacay uusan geysan wax khasaaro ah, ayna wadaan laamaha amniga baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxaas.

22-ka bishii Octoober ee sanadkaan 2021 ayey markii qarax miino dhulka la geliyey uu ka dhex dhacay Xarunta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa Koonfurta Soomaaliya, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor