Faah Faahin: Qarax goordhweyd ka dhacay Magaalada Marka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax goordhawyed si weyn looga maqlay jugtiisa Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Qaraxa ayaa yimid kadib markii meel u dhaw Saldhig Boolis oo ku yaalla Magaaladaasi Lagu tuuray Bom-gacmeed, kaasi oo jugtiisa si weyn loo maqlay, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Saldhigga ayaa ku yaalla halka loo yaqaanna Suuqa dhoobayda, waxaana dad goob joogayaal ah ay inoo sheegeen in markii Bom-ka lagu tuurayay goobta ay ku sugnaayeen Ciidamo iyo dad shacab, waxaana macquul ah in khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay sida ay ku warramayaan goob joogayaal.

Isku socodka guud Goobta ayaa la xiray, waxaana socda Baaritaanno, iyadoo goobta ay soo gaareen Ciidan kale oo Boolis ah, kuwaaasi oo ammaanka adkeeyay.

Wali Maamulka Magaalada Wax war ah kama soo saarin Bom-kaaasi, sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah, waxaana wali socda howgallo ay sameynayaan Ciidanka ammaanka.

Wixii kusoo Kordha halkaan kala soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor