Faah faahin:- Nabadoon lagu dilay Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo

Wararka aan ka helayno Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku warramaa in xalay Magaaladaasi lagu dilay nabaddoon caan ka ahaa degaanadaasi, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaasi.

koox hubaysan ayaa Toogasho ku dilay Nabadoon Maxamed Xaashi Diriye xili uu kasoo baxay  Salaadda cishaha, waxaana Nabadoonku uu  kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka ee laf-dhabarta u ah nabada Gobolka, gaar ahaan Degmada Beled-waawo.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Kooxdii dilka Fulisay ayaa Isaga Baxsaday Goobta, waxaana halka falku ka dhacay gaaray Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo  Howlgallo ka ka sameeyay xaafadda dilku ka dhacay iyo xaafadaha kale eek u ag dhaw.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor