Faah faahin:-Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhalinyaro soomaaliyeed oo lagu dilay dalka koonur Afrika, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo aan ka helayno dilalkaasi loo gaystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka mid ahaa dadka ku ganacsada dalkaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in labo Dhalinyaro oo Soomaali ah ay ku dhinteen rabshadaha xooggan ee dalkaasi ka socda, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Soomaali kale oo dalkaasi ku nool.

In ka badan Toban Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo gurmad ahaan ugu socday
Dukaamo ganacsato Soomaali ah ay leeyihiin oo ku yaalla Duleedka Durban ee Dalkaasi Koonfur Afrika, ayaa lagu rasseeyey Gaarigii ay saarnaayeen oo ahaa Caasi ay kireysteen, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Mahad Ciise Baadi iyo Sarjaan Cali ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Rabshadahaasi, waxaana sidoo kale jira dad kale oo ilaa hadda la la’yahay nolol iyo geeri, sidoo kale waxaa dilalka barbar socda dhaca iyo bur-burinta lagu hayo ganacsiga Soomaalida, oo ilaa iyo hadda la boobay Dukaammo, halka kuwe kalena la gubay.

Tan iyo markii ay billawdeen Rabshadaha dalkaasi ayaa waxaa dhibaato ba’ani ay soo food saartay Soomaalida, oo markii hore dhibato gaar ah lagu hayay gudaha dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana hadda Magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi kasii xoogaystay Rabshadaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor