Faah faahin:-Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dil iyo dhaawac loo geystay

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenkii xalay aheyd Xaafad ka tirsan Magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika waxaa ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaas ku lahaa goob Ganacsi.

Dilka loo geystay Muwaadinka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob Ganacsi oo ku taalla Magalada Durban ee gobolka Kwazulu Natal ee Koonfur Afrika, isagoo u geeriyooday xabado dhowr ah oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cilmi Maxamed Dhagoole, wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunoolaa Koonfur Afrika ee ka shaqeyn jiray goob Ganacsi.

Sidoo kale ragii hubeysnaa ee burcada ahaa ayaa horey fal dhaawac ah ugu geystay laba muwaadin kale oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo si Degdeg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana gurmad u sameeyay Soomaali kale.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh Goobaha ganacsi ah, isla markaana ma jirto cid wax ka qabata dalalkaas, waxaana inta badan la sheegaa inay baaritaano sameeyan Ciidanka Booliska dalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media