Faah faahin: Muwaadin Soomaaliyeed oo Gaari ku wareejin jiray Rooti oo Maanta la dilay

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdi Sheekh Maxamed xilli uu nolol maalmeedkooda raadinayay qoyskiisa.

Marxuumka ayaa lagu toogtay xaafada Wesbank ee Magaalada Cape Town, xilli uu gaari ku wareejinayay Rooti, burcaad dilka geysatay ayaa la sheegay in aysan wax dhac ah u geysan Muwaadinka Soomaaliyeed, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Ragii hubeysnaa ee Burcada ahaa ayaa goobta ka baxsaday falka dib, waxaana durbo halkaas tegay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobta ka Agdhawaa, iyagoona ka qaaday Meydka Marxuumka.

Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal dilal loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2022 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah oo Soomaali ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor