Faah Faahin: Macalin Xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Macalin Jaamacadeed oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaaan la helaya warar dheeraad ah oo ku aaddan dilkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen in dilka ay gaysteen kooxo hubaysan, oo sida la sheegay doonayay in ay Taleefanka ka dhacaan Marxuumka.

Dableyda hubeysan ayaa Marxuumka ku dhuftay dhowr xabbadood, taasi oo keentay inuu goobta ku geeriyoodo, waxaana marxuumka la dilay lagu Magacaabi jiray Cusmaan Axmed Macow, waxaana uu kamid ahaa Macalimiinta barayaasha ka ha mid ka mid ah jaamacadaha Gobolkani Banaddir.

Laamaha ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, balse lama shaacin cid ay u soo qabteen falkaasi dilka ah ee ay gaysteen kooxda burcadda ah.

Sidoo kale Xaafadda Macalin Nuur ee isla degmadaasi, waxaa la sheegay in kooxo burcad ah ay dad shacab ah dhac ugu gaysteen saaka, kuwaasi oo Taleefanno ka dhacay goobtana isaga baxsaday.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in koox mooto Bajaaj wadata ay dhacaasi gaysteen, waxaana la sheegay in tiro dhowr jeer ah ay falalka noocas ah ay Xaafaddaasi kusoo noq-noqdeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor