Faah faahin kasoo baxeysa Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Magaalada Jowhar

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo habeenimadii xalay lagu qaaday Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, xili halkaas lagu wado inay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare.

Dad ku sugan Jowhar oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in tirro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen qeybo ka mid ah Magaalada Jowhar sigaar ah agagaarka Xarunta Madaxtooyada, Xaruntii UNICEF, Dugsiga Sheekh Xanafi iyo goobo kale.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in xalay ay maqlayeen jugta Madaafiicda oo kusoo dhaceysay Jowhar, isla markaana ay dareen cabsi xoogan, wallow markii dambe xaaladda si caadi ah kusoo laabatay.

Weli si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii xalay lagu weeraray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, mana jiro wax hadal oo kasoo baxay laamaha amniga Maamulka oo ay uga hadlayaan weerarka.

Habeen hore ayey aheyd markii Guri ay Jowhar ka degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle lagu qaaday weerar Bam gacmeed oo ay ku dhaawacmeen Saddex Xildhibaan oo kala ah Aadan Barre Maxamed Muuse, Cismaan Cabdullaahi Dhoore iyo Duwane Faarax Cali.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sugan Madaxda ugu sarreeysa Hirshabeelle, Xildhibaano, Wasiiro, Musharaxiin farabadan oo u taagan Golaha Aqalka Sare, siyaasiyiin iyo xubno kale, iyadoo halkaas ka dhaceysa Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor