Faah faahin kasoo baxeysa Weerar lagu qaaday hoyga Guddoomiyihii hore ee Baraawe

Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa waxaa xalay lagu qaaday hoyga uu Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed ka degan yahay Guddoomiyihii hore ee degmadaas Cumar Sheekh Cabdi Shafana.

Nin hubeysan ayaa weerarka Bambaano ku tuuray Albaabka hore ee hoyga Cumar Shafana, xili uu isaga uu ku sugnaa, waxaana goobta ka agdhawaa qaar kamid ah ilaaladiisa oo jugta Bambada kadib furay rasaas farabadan.

Guddoomiyihii hore ee Baraawe Cumar Sheekh Cabdi Shafana oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in weerarka lagu qaaday hoygiisa uusan geysan wax khasaaro ah, isla markaana uu nabad qabo isaga iyo ilaalidiisa oo ku sugnaa Guriga xiligii uu weerarka dhacaayay.

Waxaa uu intaas kusii daray Cumar Shafana in laamaha amniga degmada ay ku raad-joogaan Ninkii ka dambeeyay weerarka xalay ka dhacay Magaalada Baraawe oo goobta si dhaqsi ah uga baxsaday, isagoona la sheegay inuu cararay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka helayno Baraawe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka dowladda Federaalka ay Magaalada ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana waxaa degan xaaladda Magaalada.