Faah faahin kasoo baxeysa Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Somaliland

Shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Arabsiyo oo ka tirsan Gobolka Gebileey ee Maamulka Somaliland, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad ayaa waxaa ay sheegeen in shilkaas dhacay uu ka dhashay, kadib markii mar qura wadada uu ka baxay gaari nooca raaxada ah oo ku socday xawaare sare, xili uu marayey wadada laamiga ah ee Arabsiyo ee Gobolka Gebileey.

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyooday shilka, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo si deg deg ah loo geeyay Isbitaalka Gebileey Somaliland, waxaana sidoo kale durbadii goobta laga qaaday Meydadka dadka dhintay.

Ciidanka Taraafikada Somaliland ayaa waxaa ay sheegeen in dadka saarnaa gaariga shilka galay ay ahaayeen dhalinyaro, isla markaana darawalkii waday gaariga uu u kaxeynayey xawaare dheereeye, taasina ay keentay inuu gaariga ka baxo laamiga.

Shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa horey sidaan oo kale waxaa ay marar badan uga dhaceen degaano iyo degmooyin ka tirsan Somaliland, waxaana inta badan shilalka loo sababeeyay darawalada oo gaadiidka xawaare ku wada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor