Faah faahin kasoo baxeysa  Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Hargeysa

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ku socday xawaare sare, wuxuuna sigaar ah uga dhacay xaafadda 8-aad ee Magaalada Hargeysa.

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyooday shilkaas dhacay, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, waxaana qofka dhaawacmay gurmad u fidiyay dad wadada mararay oo geeyay Xarun Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo tegay goobta uu shilku ka dhacay ayaa sameeyay baaritaano la xiriira shilkaas, iyagoona qaaday Meydadka laba ruux ee geeriyooday.

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland gaar ahaan agagaarka xarunta Ciidanka Taraakifada ayey markii dhawaan shil gaari oo geystay khasaaro uu ka dhacay, waxaana horey sidaan oo kale deegaanada Maamulkaas uga dhacay shilal kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor