Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Somaliland

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii gaari nooca Baska iyo mid kale oo raaxa ah ay isku dhaceen oo ku socday xawaara sare, xili ay iskaga hor yimideen agagaarka Bar koontarool oo ku taalla duleedka Magaalada Boorama.

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyooday shilkaas dhacay, halka 7 qof kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka ilaalada Boorama ee Somaliland Maxamed Nuur Qolombi.

Sidoo kale Maxamed Nuur ayaa waxaa uu sheegay in dadka waxyeelada soo gaartay loo sameeyay gurmad xoogan, isla markaana dhaawacyada la geeyay Isbitaal, si loogu daaweyo, halka labada ruux ee geeriyooday la aasay.

Maalmo kahor ayey markii sidaan kale shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay degaan hoostega Magaalada Berbera, waxaana xusid mudan in shilal dhowr ah uga dhaceen halkaas, kuwaasi oo khasaaro dhaliyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor