Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay duleedka Garoowe

Shil gaari oo sababay khasaare dhimasho ah ayaa barqanimadii Maanta ka dhacay duleedka bari ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland, waxaana shilkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Shilkaan ayaa waxaa uu yimid, ka gadaal markii gaari nooca Soomaalida u taqaano iska-rogaha oo ku socday xawaare dheereeya uu mar qura ka baxay wadada laamiga ah ee duleedka Garoowe, kaasi oo sidday dad reer miyioo guurayay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka ilaalada waddooyinka Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in shilkaan dhacay uu ku dhintay hal ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga oo wadada laamiga uu ka socday ka baxay, kadib markii darawalka uu gaariga xakameyn waayay.

Sawirro laga soo qaaday gaariga shilka ayaa muujiyay burbur xoogan oo gaaray gaariga iska-rogaha ahaa, wuxuuna sidday dad reer miyi oo guurayay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu gaarigaas kusii jeeday Magaalada Garoowe.

Waa shilkii labaad ee saaka ka dhaca Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana labada shilba ku dhintay min hal qof, iyadoona shilalka ka dhacaya halkaas ay muddooyinkii dambe soo bateen, waxaana loo sababeeyaa gaadiidka oo loo wado xawaare sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor